Wednesday, 6 July 2022

Sheeko Gabadh Maseersan😂

Nin baa wuxuu qabay naag aad u maseer badan. Wuxuu damcay in uu la guursado naag kale. Wuxuu ka fikirayay siduu ugu sheegi lahaa. Kadibna waxa timid xaskiisa, aragtayna isagoo fikirayo oo murugeysan kuna tiri: Macaan maxaa kugu dhacay oo aad la fikireysaa? Markaasuu ku yiri: Gacaliso boqorka wadanka ka taliya baa wuxuu amar ku bixayay, ninka ugu yar waa inuu labo xaas leeyahay, haddii kale madaxa halaga gooyo. Aniguna in aan kula guursado naag kale marabo ee maxaan sameeyaaa? Markaasey ku tiri: Macaan dhib malahan ee shahiidnimo isaga dhimo.🤣😂🤣

Sheeko Qosol ah Reer Mudug ah

Xariif reer Mudug ah oo ay labada ilkood oo hore ka maqan yihiin, ayaa qof siduu ugu sheekeynayay ku tiri: Xabiibi, waan qoyay. Markaas buu intuu isu bogay ku yiri: Hadalkeyga miyaa dareen kugu beeray? Gabadhi oo su’aashiisa ka jawaabeyso ayaa ku tiri: Maya ee markaad hadleyso calyaa ka daadaneyso.

Contact US

Name

Email*

Message*

SHEEKO XIKMAD LEH

 Waxaa jiray laba nin oo daris ah oo lakala oran jiray Guuled iyo Faarax . Faarax waxa uu ahaa nin beeraaley oo faqiir ah . halka Guuled uu ahaa nin hantiile ah . Faarax wuxuu ahaa nin noloshiisa ku raaxaysta oo farxad ku nool , xilliga habeenki ah marka uu seexanayo albaabada iyo daaqadaha qolkiisa ma xiri jirin . Guuled waxaa uu la yaabanaa ninkan dariskiisa ah oo iska seexanaya iyadoo daaqadaha iyo albaabka ay u furan yihiin xilliga habeenkii , aad ayuuna uga soo horjeeday farxada uu ninkan haysto . Maalin maalmaha kamid ah Guuled waxa uu yeeray Faarax waxa uuna siiyay Qasnad ay lacag ka buuxdo . waxuuna ku yiri : " Saaxiib Hoo lacagtaan , waxaan arkaa inaad nolol faqiirnimo ku nooshahay , waxaan rajaynayaa in lacagtaan ay meel kaaga soo bixi doonto . " . Isla markiiba aad ayuu u Farxay , sidii maalintii oo dhan Lacagta u koolkooliyaba waxaa la gaaray habeenkii , waxa uu aaday sariirta si uu u seexdo , laakiin caawa ma seexan karo , xitaa daaqadaha iyo albaabada ayuu xiray si uu lacagta uga taxadaro , laakiin wali ma seexan karo , waxa uu kolba lacagta eegaba waagii ayaa ku cadaaday isaga oon gama'siin ( aan seexan ) . Markii waagu cadaaday ayuu lacagtii isaga oo wada waxa uu u geeyay Guuled , " Saaxiibkeyga Qaaliga ah . waxaan ahay faqiir , lacagtaada waxay ii diiday farxadii aan haysan jiray , fadlan hoo lacagtaada . dibna iiga qaado . " . XIKMADA SHEEKADA : Si kasta oo lacag u haysato , Farxad ma iibsan kartid .

Sheeko Gabadh Maseersan😂

Nin baa wuxuu qabay naag aad u maseer badan. Wuxuu damcay in uu la guursado naag kale. Wuxuu ka fikirayay siduu ugu sheegi lahaa. Kadibna wa...