Waxaa jiray laba nin oo daris ah oo lakala oran jiray Guuled iyo Faarax . Faarax waxa uu ahaa nin beeraaley oo faqiir ah . halka Guuled uu ahaa nin hantiile ah . Faarax wuxuu ahaa nin noloshiisa ku raaxaysta oo farxad ku nool , xilliga habeenki ah marka uu seexanayo albaabada iyo daaqadaha qolkiisa ma xiri jirin . Guuled waxaa uu la yaabanaa ninkan dariskiisa ah oo iska seexanaya iyadoo daaqadaha iyo albaabka ay u furan yihiin xilliga habeenkii , aad ayuuna uga soo horjeeday farxada uu ninkan haysto . Maalin maalmaha kamid ah Guuled waxa uu yeeray Faarax waxa uuna siiyay Qasnad ay lacag ka buuxdo . waxuuna ku yiri : " Saaxiib Hoo lacagtaan , waxaan arkaa inaad nolol faqiirnimo ku nooshahay , waxaan rajaynayaa in lacagtaan ay meel kaaga soo bixi doonto . " . Isla markiiba aad ayuu u Farxay , sidii maalintii oo dhan Lacagta u koolkooliyaba waxaa la gaaray habeenkii , waxa uu aaday sariirta si uu u seexdo , laakiin caawa ma seexan karo , xitaa daaqadaha iyo albaabada ayuu xiray si uu lacagta uga taxadaro , laakiin wali ma seexan karo , waxa uu kolba lacagta eegaba waagii ayaa ku cadaaday isaga oon gama'siin ( aan seexan ) . Markii waagu cadaaday ayuu lacagtii isaga oo wada waxa uu u geeyay Guuled , " Saaxiibkeyga Qaaliga ah . waxaan ahay faqiir , lacagtaada waxay ii diiday farxadii aan haysan jiray , fadlan hoo lacagtaada . dibna iiga qaado . " . XIKMADA SHEEKADA : Si kasta oo lacag u haysato , Farxad ma iibsan kartid .
Wednesday, 6 July 2022
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Sheeko Gabadh Maseersan😂
Nin baa wuxuu qabay naag aad u maseer badan. Wuxuu damcay in uu la guursado naag kale. Wuxuu ka fikirayay siduu ugu sheegi lahaa. Kadibna wa...
-
Nin baa wuxuu qabay naag aad u maseer badan. Wuxuu damcay in uu la guursado naag kale. Wuxuu ka fikirayay siduu ugu sheegi lahaa. Kadibna wa...
-
Xariif reer Mudug ah oo ay labada ilkood oo hore ka maqan yihiin, ayaa qof siduu ugu sheekeynayay ku tiri: Xabiibi, waan qoyay. Markaas bu...
-
Waxaa jiray laba nin oo daris ah oo lakala oran jiray Guuled iyo Faarax . Faarax waxa uu ahaa nin beeraaley oo faqiir ah . halka Guuled uu ...
No comments:
Post a Comment